Keating Oo shir dib u heshiisiin ah ka furay magaalada Muqdisho

0
1

Shirkani oo looga hadlayo sidii la’iskugu xiri lahaa nabadda iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaa waxaa maanta magaalada Muqdishio ka daah furay Qaramada Midoobay.

Shirkani oo ah midkii ugu horreeyay ee nuuciisa ah oo dalka lagu qabto aya waxaa ka qeybgalaya in ka badan 30 Qof oo iskugu jira Quburo caalami ah, cilmi baarayaal iyo Aqoonyahano.

Shirka ayaa socon doono muddo 3 cesho ah , waxaana lagu gorfeyn doonaa sidii loo xoojin lahaa nabadda iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya.

Ergayga gaar ka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Meachel Keating oo ka hadlayay furitaanka shirkaasi ayaa hoosta ka xariiqay in u jeedka Quburada intaasi la eg ay iskugu keenen ay tahay sidii aragtiyadooda iyo qibradahooda ay isku weydaarsan laahayeen, si ay uga tala bixiyaan caqabadaha heysta Soomaliya.

Dhinaca kale Wsiirka arrimaha gudaha XFS  Eng Abdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay in ay taageerto waxkasto oo Suura galinaya nabadeynta iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya.

Ugu dambeyn madaxa Safaaradda dalka Norway ee Soomaaliya ayaa Vebjørn Heines, ayaa sheegay dalalka Scandinavian ay qeyb ka soo ahaayeen dadaalada nabadeynta Soomaaliya Tan iyo Sanadii 1995 -tii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here