Kenya oo Soo bandhigtay Meydadka dagaalyahanno ka tirsanaa Al Shabaab

0

Ciidamada Booliska gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa soo bandhigay Meydadka illaa 3 dagaalyahan oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab.

Taliyaha Booliska maamulka Wajeer Stephen Ngetich ayaa sheegay in Meydadkaasi ay ka mid ahaayeen dagaalyahanno ka tirsanaa Al Shabaab oo weerar ku soo qaaday saldhig Ciidamada Booliska Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Kutulo, halkaas oo uu ka dhacay dagaal dhexmaray iyaga iyo Al Shabaab.

Waxaana uu intaasi ku daray in ay iska caabiyeen weerarkaasi, islamarkaaan ay dileen illaa iyo 3 ka mid ahaa Al Shabaab

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ciidamadoodu ay weli wadaan howlgallo dheeraad ah oo ay ku baadigoobayan Raggaasi.

Al shabab ayaa muddooyinkii ugu dambe weeraro is daba joog ah ka geysanayay gobolka Waqooyi Bariga ee dalkaasi  Kenya, iyagoo beegsanayay xarumaha Isgaarsiinta iyo saldhiyada Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin gobolkaasi.