Madaxweyne Farmaajo Oo Hal Arin Uga digay Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Eng. Yariisow

0
3

Wararka laga helaya ilo ku dhaw Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu kulan Albaabada u xiran yihiin la qaatay Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdi raxmaan Cumar Cismaan Eng Yariisow.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Yariisow u sheegay inuu ka fogaado arimaha maqaamka Gobalka Banaadir iyo shirar la iskugu keenayo beelaha gobalka dega oo ay ka imaan karto in taageerada dowlada lagala noqdo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya iyada ay go’aan ka gaareyso Maqaamka Gobalka Banaadir marka xiligeeda la gaaro, waxaana uu cadeeyay in dowlada Federaalka ay hada horyaalaan hawlo culus, Guddoomiyaha cusub ee Gobalkana la doonayo inuu la yimaado wax qabad ka dheereeya midkii Thaabit.

Eng yariisow ayaa balanqaaday inuu ka fogaan doono wax kasta oo carqalad u keeni kara Madaxda dalka, wuxuuna Madaxweynaha ka hor sheegay inuu la imaan doono isbedelo waa weyn oo Gobalka Banaadir laga hirgaliyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here