Dhageyso:-Al Shabaab oo ku dhawaad 100 Qof ku xiray Awdheegle iyo xaaladda oo….

0

Xarakada Al Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in maanta tiro dad ah ay ku xir xirtay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxaana la sheegay in Xabsi ku yaalla degmadaasi lagu xiray illaa 76 ruux oo isugu jira Caruur, Haween iyo Odayaal.

Guddoomiyaha degmada Awdheegle ee gobolka Sh./ Hoose  Maxamed Aweys Abuukar oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dadkaasi loo heysto kaliya soo dhaweyntii ay Shalay u sameeyeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Waxaana uu ayaan darro ku tilmaamay tallaabadii Ciidamadu uga soo baxeen deegaanadaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.