Dhageyso:-Hirshabelle oo saxayso Khalad uu horay u galay Cali Cosoble

0

Maamulka Hirshabelle ayaa dib u saxaya khaladaad uu horay u galay madaxweynihii hore ee maamulkaasi Cali C/laahi Cosoble.

Waxaana ka mid ahaa khaladaadkaasi magacaabistii illaa 7 degmo oo 2 todobaad gudahood uu ku magacaabay madaxweynihii maamulkaasi, kuwaas oo ku yaalla gobolka Hiiraan ee batamaha Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Hirshabelle Maxamed Cali Caadle oo ka hadlayay magacaabista degmooyinkaasi ayaa sheegay in amar madaxweyne oo kaliya lagu Magacaabay, balse aan loo marin hab sharci ah.

Waxaana uu tilmaamay in ay ahayd tallaabo aan laga fiisan, islamarkaana lagu qancinayay tabashooyin jiray xilligaasi.

Wasiir Caadle ayaa shaaca ka qaaday in arrintaasi looga fadhiyo in ay go’aan ka gaaraan Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.