Faah faahinno ka soo baxaya weerar ka dhacay Afgooye

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar khasaaro geystay oo Xalay Al Shabaab ay ku qaadeen degmada Afgooye ee gobolka Sh/ Hoose.

Weerarka oo ah mid culus ayaa dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab waxa ay ku qaadeen qeybo ka mid ah degmadaasi.

Waxaana la sheegay in halkaasi uu ka dhacay dagaal foolka fool ah oo u dhaxeeyay Al Shabaab iyo Ciidamada dowladda.

Qaar ka mid ah saraakiisha Ciidamada milateriga dowladda oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in weerarkaasi ay iska caabiyeen.

Sidoo kalena ay ku dileen halkaasi dagaalyahanno ka tirsanaa Al Shabaab-kii weerarka soo qaaday.

Xaaladda ayaa hadda dagan, waxaana Saakay Ciidamada dowladdu ay baaritaano ka sameeyeen Xafado ka tirsan magaaladaasi Afgooye.

Waa Habeenkii labaad oo xiriir ah oo dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadaan degmadaasi.