Dhageyso:-Qatar oo Soomaaliya u galeysa Abaal aysan waligeed ilaabin

0
4

Dowladda Qatar ayaa wad mashaariic dib logo dhiso waddooyinka isku xiray Muqdisho iyo Afgooye iyo tan xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe

Wasiirka Qorsheynta Magaalgahsiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan iyo xubo ka socday dowladda Qatar ayaa maanta kormeer ku tagay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Wafdiga ayaana booqday Isgoysyada Ex Koontarool Afgooye iyo kan Ex Koontarool Balacd ee magaalada Muqdisho.

Waxaana la sheegay in halkaasi ay u tageen kormeer ku aadan mashaariic laga fulinayo halkaasi.

Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka qorsheynta Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dhawaan la bilaabi dhismaha Waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, iyo tan kale ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wasiirka ayaana uga mahadceliyay Dowladda Qatar mashaariicdaas oo ay ka fulineyso Soomaaliya.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here