Guddoomiyaha Sh/hoose oo ka Warbixiyay Howlgallada ka socda Gobalkaasi

0
4

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose Mudane Ibraahim Aadan Najax oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ciidamada Xoogga dalka ay ka sameeyeen Gobalka Shabeelaha Hoose, isagoona sheegay in Al shabaab lagala wareegay deegaano dhowr ah, sidoo kalena la burburiyay Saldhigyo ay ka soo abaabuli jireen Dhibaateynta shacabka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in howlgalada ay ku socdaan si xawli ah, islamarkaana ay muhiim tahay in gobolka laga saaro Al Shabaab

“Markey maqlaan in ciidanka uu soo socdo iyaga ayaa cararaya tabar iyo naf ay leeyihiin malaha, aad ayay u liitaan, mana awoodaan inay u babac dhigaan awooda ciidamada xoogga dalka, ciidamada xalay waxay ku sugnaayeen Tuulada Deemaay ka dib markii ay ka ruqaansadeen degmada Sablaale oo shalay ay gacanta ku dhigeen ciidamada xoogga dalka”

Ibraahim Aadan Najax ayaa sheegay in Howlgalka qorshahiisa koowaad uu yahay in la burburiyo Saldhigyada Al Shabaab, isla markaana la xaqiijiyo amniga meelaha laga saaro Al shabaab.

“Howlgalka qorshahiisa koowaad waxa waaye in la burburiyo Astaamaha iyo Saldhigyada Cadowga goobaha laga ceyriyo, oo ciidamada ay xaqiijiyeen amniga halkaasi, awooda cadowga halkaas ku leeyahay in la ogaado, markaas ka dib awood ku filan oo Tuulooyinka iyo Degmooyinka qaban karta in la geeyo, waxaana ciidamadaas looga baahan yahay inay shacabka ka difaacaan cadowga”.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in  Al shabaab ay cuuryaamiyeen wax soosaarka Gobalka Shabeelaha hoose, isagoona sheegay in Howlgaladan ujeedadoodu ay tahay in Meelaha laga saaro Al shabaab la gaarsiiyo Iftiinka dowladnimo dadkuna ay yeeshaan waxsoosaar dalka anfaca.

“Waxsoosaarka iyo nabada Gobalka Shabeelaha hoose ayay cuuryaamiyeen Al shabaab, Lacago baad ah ayay shacabka ka qaadaan, Howlgaladan waxay bilow u yihiin in Deegaanada ay mugdi iyo Nolol xumada ugu dhuumaaleysanayaan Nabad diidka la geeyo Iftiinka Dowladnimada”

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose ayaa ugu dambeyn sheegay in Shacabka ku nool deegaanada Al shabaab lagala wareego ee Shabeelaha hoose ay si weyn ugu baahi qabaan dowladnimada, iyagoona si qiirad iyo wadaniyad ku jirto usoo dhaweeya ciidamada xoogga dalka oo Calamo qoyan ay u lulayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here