Markab Sida Raashin Gargaar Oo Soo Gaaray M/ Muqdisho

0
2

Markabkani oo ay leedahay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka Cunada ee WFP oo sida Shixnado gargaar ah ayaa soo gaaray magaalada Muqdish.

Markabka oo ay wehlinayaan Ciidamo ka tirsan kuwa ilaaladda Xeebaha Soomaaliya ee Midowga Yurub ayaa ku soo xirtay Dekedda Weyn ee magaalada Muqdisho .

Waxaana Markabkani iyo Ciidamada Ilaalinayay magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay taliyaha Ciidamada Badda ee Midowga Yurub ee Soomaaliya Steve Elliot.

Taliyaha ayaa ugu horreyn uga mahadceliyay Ciidamada Midowga Yurub ee galbinayay Markabkaasi , sida hufnaanta leh oo ay ku soo gaarsiyeen Soomaaliya.

Hay’adda WFP ayaa sidoo kale xaqiijisay in Markabkeeda oo siday 1.6 tan oo Raashin ah uu si nabadgelyo ah ku soo gaaray magaaladda Muqdisho.

Ciidamada gaar ka ah ee Midowga Yurub ayaa si weyn u ilaaliya Maraakiibta WFP ee gargaarka u sida Soomaaliya, si ay ugu hortagaan weeraro ay ku soo qadaan kooxaha Burcabadeeda Soomaalida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here