Sawirro:-KGS oo howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ka wada Gobollada Baay iyo Bakool

0

Ciidamada maamulka koonfur galbeed Soomaaliya ayaa dhaq dhaqaaqyo ka dhan Al Shabaab ka bilaabay deegaano ka tirsan gobollada Baay iyo Bakool.

Wasiirka Aminga ee maamulkaasi Xasan Eelaay oo kormeeray Ciidamadaasi ayaa sheegay in looga baahan yahay in ay furaan Waddooyinka xiran ee gobolladaasi.

Waxaana uu ugu baaqay shacabka ku dhaqan deegaanadaasi in ay la sheeyaan Ciidamada koonfur galbeed, si Al Shabaab looga saaro halkaasi.

Weli deegaano ka tirsan gobollada Sh/ Hoose, Baay iyo Bakool waxaa ku xoogan Xaraakada Al Shabaab oo weeraro ka fulisa gobolladaasi.