Booliska Kenya Oo Askar ka tirsanaa milateriga dalkaasi ku dilay magaalada Mandera

0

Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa labo Askari oo ka tirsanaa milateriga dalkaasi ku dilay deegaanka Shiiq Barow oo ka tirsan Mandera, kadib israsaaseyn halkaasi ku dhexmartay.

Sarkaal ka tirsan maamulka magaalada Mandera ayaa sheegay in si kala shaki ah loo dilay labada Askari ee ka tirsan milateriga dalkaasi.

Sidoo kale iska hor imaadka dhexmaray Ciidamada Booliska iyo kuwa milateriga ee dalka Kenya ayaa waxaa ku dhaawacmay illaa iyo 6 Askari, kuwaas oo dhaawacooda loo duuliyay magaalada Nairobi.

Saraakiil ka tirsan Dowlada Kenya ayaa sheegay in la baarayo qaabka ay u dhacday israsaaseynta dhexmartay Ciidamada Kenya

Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro xoogan ku qaada fariisimaha iyo saldhigyada Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin gudaha dalkaasi, gaar ahaan deegaanada ku dhow xadka Soomaaliya.

Deegaanada hoos yimaada magaalooyinka Lamu,Mandera,Garissa iyo Mombasa ee dalka Kenya ayaa ah meelaha ugu daran ee ay Al Shabaab ka fuliyaan weeraradaasi.