Dhageyso:-Ammaanka Afgooye oo faraha ka sii baxaya iyo Al Shabaab….

0

Ammaanka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa faraha ka sii baxaya, iydoona magaaladaasi ay weeraro xoogan ka fuliyaan Al Shabaab.

Wararka ka imaanaaya gobolkaasi ayaa sheegaya in markale Xalay dagaalyahannada Al Shabaab ay weerar loo adeegsaday Bam Gacmeed aku qaadeen gudaha degmadaasi.

Waxaana weerarkaasi lagu qaaday fariin Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Xaafadda Xaawo Taako ee degmadaasi Afgooye

Mid ka mid ah Wariyeyaasha ka howlgala magaalada Afgooye ee gobolka Sh. Hoose ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay weerarkaais.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.