Dhageyso:-Tarsan oo madaxda DFS ku dhaliilay xirnaashaha Waddooyinka magaalada Muqdisho

0
3

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo haatan ka mid ah Lataliyeyaasha madaxweynaha JFS, horayna u ahaa guddoomiyihii gobolka Banaadir ayaa ku dhaliilay madaxda Dowladda Waddooyinka weli xiran ee M/ Muqdisho.

Waxaana uu sheegay in ciriiri badan ay ka jiraan Waddooyin hadda la’isticmaalo, taasna ay sabab u tahay Jidadka u xiran madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Tarsan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Agaasime uu xirto Waddo muhiim u ah shacabka ku nool magaalada Muqdisho.

Ugu dameyn waxa uu ugu baaqay madaxda DFS in ay wax ka qabtaan arrimahaasi, si culeyska looga qaado dadka shacabka ee ku dhaqabn gudaha magaalada Muqdisho.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here