Doorashada Kursi ka mid ah Golaha Shacabka oo ka dhacday Kismaayo

0

Doorashadii kursi kamid ah Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo maanta ka dhacday magaalaad Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland ayaa waxaa ku guuleystay Maxamuud C/llaahi Siraaji oo la dhashey Ex. Wasiir Cabaas Siraaji.

Waxaa uu heley Maxamuud C/llahi Sheekh Siraaji codada gaaraya 50 cod, taasi oo fursad u siisay in uu ku guuleysto buuxinta kursigasi ka bannaanaa Golaha SHacabka.

Waxaa kursigaasi kula tartantay gabad lagu magacaabo Fardowso Xusan Maxamed,inkastoo aysan helin wax cod ah,mid kamid ah codadkii la dhiibtay ayaa halaabay.

Fardowso Xusan Maxamed ayaa sheegtay in ay aqbashey qaabka ay u dhacday doorashadaasi,islamarkaana soo dhaweysay.

Dhanka kale guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in doorashada ay u dhacday qaab cadaalad ah,islamarkaan uu kamid ahaa 4 kuraas oo ka bannaaneyd Golaha Shacabka oo mid kamid ah Jowhar dhawaan lagu doortay,halka 2 kalena Muqdisho iyo Galmudug lagu qaban doono.