kenya oo dagaalyahanno ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab ku dishay gudaha dalkaasi

0

Saraakiisha Ciidamada Kenya ayaa sheegay in 3 dagaalyahan oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab ay ku dileen howlgal ballaaran oo ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah Keymaha Boni oo ku dhaw Xadka Soomaaliya.

Afhayeenka Ciidamada ialateriga ee dalkaasi Col David Obonyo ayaa xusay in xilligii uu dhacayay weerarka lagu dilay dagaalyahannadaasi ay Ciidamada Kenya howlgal roondo ah ka wadeen deegaanada Sariire iyo Kulbiyow.

Mr Obonyo ayaa intaasi ku daray in Ciidamadooda ay maqleen qarax Miino kadibna weerar xoogan ay ku soo qaadeen dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab.

Afhayeenka sheegay in Ciidamadooda halkaasi ay ku dileen 3 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al Shabaab,  isagoo intaasi raaciyay in Raggii ay dileen ay ka soo furteen 3 qori oo ah nooca AK47 iyo Rasaas.

David Obonyo ayaa tilmaamay in Raggii kale ee ka tirsanaa Al shabaab oo wata dhaawacyo ay u carareen Keymaha Bon,  kadib weerarka ay ku qaadeen Ciidamada milateriga ee dalka Kenya.

Dowladda kenya ayaa sheegay in todobaadyadii la soo dhaafay ay keymaha Boni oo ku dhow Xadka Soomaaliya ay soo gaarayeen dagaalyahanno badan oo ka tirsan Al Shabaab, kuwaas oo ka soo qaxay duqeymaha diyaaradaha mareyanka ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah koofnurta Soomaaliya.