Kooxo Hubeysan oo Askari ka tirsanaa Ciidamada DFS ku Toogtay M/ Muqdisho

0

Waxaa goor dhow Dabley hubeysan ay Askari ka tisanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya ku dileen nawaaxiga Isgoyska Baar-ubax ee magaalada Muqdisho.

Dilka Askarigan ayaa la sheegay in ay dambeeyeen Rag ku hubeysnaa Bastoolado, kuwaas oo goobta isaga baxsaday.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Fderaalka Soomaaliya ayaa lagu soowarramayaa in ay goobta gaareen, kuwaas oo baaritaano ka wada halkaasi.

Mana jirto weli wax faah faahin oo ay saraakiisha laamaha ammaanku ka bixiyeen dilk Askarigaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa M/ Muqdisho ka dhacayay falal liddi ku ah ammaanka, sida qaraxyo iyo dilal qirsheysan, kuwaas oo qaarkood ay sheegteen Al Shabaab.