Al Shabaab Oo weerar ku qaaday School ku yaala Kenya

0
3

Dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ayaa weerar xoogan ku qaaday Dugsi ku yaalla magaalada Wajeer ee dalka Kenya, halkaas oo la xaqiijiyey in ay ku dileen 3 Macallin, sida ay sheegeen saraakiil ak tirsan Booliska dalkaasi.

Sarkaal ka tirsan Booliska magaalada Wajeer ayaa sheegay in Ragga weerarka geystay ay ka soo gudbeen Xadka Soomaaliya, iyagoo si toos u bartilmaameedsaday Dugsi la yiraahdo Qarsa oo ku yaalla magaaladaasi.

Weerarka oo dhacay waaberigii hore ee saakay ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay labo ruux oo kale sida uu Wakaaladda Wararka Anadolu u xaqiijiyey sarkaal ka tirsan Booliska Wajeer.

Ka hor inta aysan Al Shabaab weerarka ku qaadin Dugsigaasi ayaa waxaa ay waddada soo gasha magaalada geliyeen Miinooyinka dhulka lagu aaso si ay ugu hortagaan gurmad ay sameeyaan Ciidamada Kenya.

Taliyaha Ciidamada Booliska ee magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Maxamed Sheekh Cismaan ayaa xaqiijiyay in mid ka mid ah Gaawaaridooda ay waddadaasi kula qaraxday Miinooyinkii dhulka lagu aasay, isagoo intaasi ku daray in aysan jirin wax khasaaaro ah oo soo gaaray Ciidamadii saarnaa Gaarigaasi.

Waxaana uu xusay in laamaha ammaanka ee Kenya ay wadaan sidii ay u daba gali lahaayeen dagaalyahannada Al Shabaab ee weerarka khasaaraha geystay ku qaaday magaalada Wajeer.

Al Shabaab ayaa weli gudaha dalka Kenya ka wada weeraro xoogan, iyadoo Ciidamada ammaanka ee Kenya ay sheegeen in maalmihii la soo dhaafay ay fashiliyeen weeraro Al Shabaab ku soo qaadeen gudaha dalkaasi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here