Ciidamada DFS iyo kuwa Cadaan ah oo howlgal ka sameeyay degmada Jilib

0
7

Wararka laga helayo gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in Xalay Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Cadaan ah howlgal qosheysan ay ka sameeyay degmada Jilib ee gobolkaasi.

Ciidamada ayaa la sheegay in halkaasi ay ku tageen Diyraadaha khumaatiga u kaca, iyagoo ku dhex daatay gudaha degmada Jlib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in degmadaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Al Shabaab iyo Ciidamadaasi, kaas oo muddo Saacado ah ka socday halkaasi/

Ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi, mana jiro weli jiro wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan howlgalkaasi.

Muddooyinkii dambe Ciidamada Dowladda oo garab ka helaya kuwa Ajaaniib ah ayaa howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ka waday Koonfurta Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here