Jubbaland oo sheegtay inuu isku soo dhiibay Sargaal Shabaab ah & Xog kasoo baxeysa

0
3

Maamulka Gobolka Gedo ee Jubbaland ayaa waxa uu sheegay in laba xubnod oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab bishan gudaheeda ay iska dhiibeen magaalooyin ka tirsan Gobolkaaasi.

Madaxa Amniga Gobolka Gedo Bile Wuufood Ibraahim  ayaa sheegay 12-kii bishan in Baardheere uu iska dhiibay xubin ka tirsaneyd Shabaab, sidoo kale wuxuu sheegay 14-kii bishan Beledxaawo in uu iska dhiibay Dagaalyahan kale oo Shabaab ka tirsanaa.

Wuxuu sheegay ninka iska dhiibay degmada Baardheere inuu yahay nin Sarkaal ah uuna watay Qori AK-47 ah, Afar Bastooladood iyo Telefoono ay lahaayeen Ciidamadii uu hoggaaminayay, maadaama xilligaasi ay isku diyaarinayeen Howlgal, oo raggii la socday uu ka uruuriyay Telefoonadooda.

Sidoo kale wuxuu sheegay ninka iska dhiibay degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo inuu ahaa Dagaalyahan Shabaab ka tirsanaa oo degaankaas ka soo jeeda, kaasi oo uu sheegay inuu dhibi jiray dadka degaanka, balse Bile ma aanu sheegin magacyada raggan.

“Raggan isa soo dhiibay waa laba nin, mid waa sarkaal midna waa Dagaalyahan, Sarkaalka wuxuu watay Qori, Afar Bastooladood, iyo Telefoonada gacanta, waxaan ku wareejin doonaa Wasaaradda Amniga, waxaa inoo balansan saraakiil kale oo Shabaab ka tirsan oo isa soo dhiibaya.” Ayuu yiri Bile Wuufood.

Bile Wuufood Ibraahim ayaa sheegay raggan in ay gacanta ku hayaan Ciidamada ammaanka, wixii hada ka dambeeyana lagu wareejin doono Madaxda Maamulka Jubbaland iyo Wasaaradda Amniga Soomaaliya, si go’aanka ugu dambeeya ay uga gaaraan.

Wuxuu kaloo sheegay Madaxa Amniga Gobolka Gedo in hada ay balansan yihiin saraakiil Shabaab ka tirsan oo isa soo dhiibaya, kuwaasi oo uu ka gaabsaday in magacooda uu shaaciyo, si xaaladu aanay isku bedelin, balse marka ay isa soo dhiibaan ay warbaahinta u soo bandhigi doonaan.

Dhowaan Gobolka Gedo waxaa iska dhiibay Saddex xubnood oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab, Maamulka Jubbaland ayaana gacanta ku haya, waxayna sheegtay in ay soo dhaweynayaan dhalinyarada Shabaab ka soo goosaneysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here