Ciidamada Kenya oo qabtay Gaari Siday Walxaha Qarxa

0

Ciidamada Booliska ee Kenya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Gaari siday walxaha qarxa, kaas oo ku sii jeeday gudaha dalkaasi.

Saraakiisha ammaanka ee Kenya ayaa xaqiijiyay in Gaarigaasi ay saarnaayeen Miinooyinka dhulka lagu Aaso, Qoryo, Bambooyin iyo Mindiyo Afeysan.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daray in ay qabteen Hub fara badan, kaas oo ay tilmaameen in laga keenay dhanka Soomaaliya.

Dhinaca kale Maamulka gobolka Isio ee dalka Kenya ayaa xusay in qaraxyadaasi la doonayay in laga fuliyo gudaha dalkaasi.

Al Shabaab ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay weerarada ay ku qaadaan gudaha dalkaasi, gaar ahaan deegaanada dhaca Xadka Soomaaliya.