Dhageyso:-Ganacsiga Bakaaraha oo la xirayo iyo xaaladd…

0

Iyadoo weli uu muran ka taagan yahay Lacagaha Canshuuraha ee lagu soo rogay Ganacsatada Soomaaliyeed ee wax kala soo daga Dekedda Muqdisho ayaa waxaa arrimahaasi ka hadlay qaar ka mid ah Ganacsatadaasi.

Qaar ka mid ah Ganacsatada oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in gabi ahaan Beri ay xiri doonaan Ganacsiga Suuqa Bakaaraha, haddii aan wax laga qaban cabashadooda.

Waxaana ay ugu baaqeen madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay soo fara galiyaan arrintaasi.

Dhawaan ayey ahayd markii Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo eedeyn u jeediyay Ganacsatada, taas oo ku aadaneyd in aysan ogoleyn in ay bixiyaan Lacagaha Cashuuraha ee lagu leeyahay.

Halkan hoose ka dhageyso Codadka.