Booliska Jarmalka Oo xiray Muwaadin Soomaali ah

0

Ciidamada Ammaanka Dalka Jarmalka ayaa qabtay Muwaadin Soomaali ah oo looga shakisan yahay in uu xiriir la leeyahay Xarakada Al Shabaab.

Dacwad ogayaal heer Federaal ah ayaa sheegay in ninkaan gacanta lagu soo dhigay Khamiisti isagoo ku sugnaa gobolka Hesse ee bartamaha Germany, kaasi oo magaciisa lagu soo koobay C/qaadir, sida ay qortay Wakaaladda wararka Mareykanka (AP) oo soo xiganaysa laamaha dacwad oogayaashaasi

Waxaaa ay soo saareen Dacwad oogayaasha bayaan ay ku sheegeen in muwaadin kaan  lagu magacaabo Cabduqaadir uu wajahayo dembiyo culus ,marka loo fiiriyo shuruucda iyo nidaamka u yaala dalkaasi .

Waxaana la ogaaday in uu damacsana inuu dil ka geYsto wadankaasi ama dambiyo kale oo la xiriira argagexisanimo.

Ninkani oo da’diisa lagu sheegay 20 sano jir ayaa waxaa uu dalkaasi gaaray sanadkii 2014-kii , isagoona la sheegay in Soomaaliya uu ka tagay Sanadkii 2012-kII, xiligaasi oo uu ku biiray Xarakada Al Shabaab.

Bayaankan ayaa lagu sheegay in uu mudadii Al shabaab uu la joogay qaatay tababaro kala duwan oo ay ka mid tahy sida weerarada hubaysan loo qaado.