Madaxweyne Farmaajo Oo Digniin Iyo Canaan Isugu Daray Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Kadib Markii…

0

Muqdisho ( Xaqiijiye Online ) Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa Arima farabadan uga digay Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Eng C/raxmaan Cusmaan Yariisow.

Eng Yariisow ayaa looga digay in go’aano waaweyn uu kaligiisa qaato iyo in durba uu kala diro Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobalka Banaadir uuna magacaaba kuwa Cusub.

Gudoomiyaha ayaa doonaya in shaqsiyaad isaga u dhaw uu u magacaaba Xilalka Gudoomiyaasha Degmooyinka si ay ula jaanqaadaan Maamulkiisa daaqadana looga saara shaqsiyaadkii Taabit uu xilalka u Magacaabay.

Mas’uuliyiinta qabta Xilka Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa waxaa horay caada u aheyd in durba ay badalaan Gudoomiyaasha Degmooyinka si ay fursada usiiyaan shaqsiyaad iyaga ka ag dhaw.