Sawirro:-Qaar ka mid ah Dhalinyardii ku dhibanaa Liibiya oo la keenay Muqdisho

0

Waxaa goor dhow Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ka soo degtay diyaarad siday Dhalinyaro Soomaaliyeed oo laga keenay dalka Liibiya.

Tirada Dhalinyaradaasi la keenay ayaa gaaraya 11 Qof, kuwaas oo gacanta muddo 2 Sano ah ugu jiray kooxda Magafaha ee dalkaasi.

Mas’uuliyiin ka tirsan 2 Gole ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku soo dhaweeyay gudaha Garoonka magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed “Khadar” oo ka mid ahaa mas’uulitiinaasi ayaa sheegay in DFS ay sii wadi doonto soo deynta Dhinyarada Soomaaliyeed ee weli ku xiran dalalka Caalamka.

Xukuumadda ra’iisul wasaare Kheyre ayaa horay ugu guuleystay in ay dalka dib ugu soo celiso Maxaabiis fara badan oo ku xirnaa dalal ay ka mid ahaayeen Itoobiya iyo Hindiya.