Ra’isulwasaare Kheyre Oo Amar Culus Bixiyay Iyo Wasiirkii La Amray Oo Diiday

0

Muqdisho (Xaqiijiye Online) Ra’isulwasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ku Amray Wasiirka Amniga ee Xukuumadiisa Maxamed Abuukar Ducaala Islow inuu iska casilo Xilka.

Mudane Kheyre ayaa awood u leh in si toos ah uu xilka kaga Eryo wasiir Islow balse waxa uu diidayaa in uu yeesho mucaarad cusub loona arka kaligii taliya xukuumada ku tagri falo Maadaama uu horay xilal ugu qaaday Wasiiro katirsan xukuumadiisa.

Wasiirka Amniga ayaa la sheegay in uu kasoo horjeestay is casilaada isagoona sheegay in taas ay isaga ceeyb ku noqoneeysa fadeexadna ay ka dhalan karto hadii uu sheego in shaqadiisa uu gudan waayay uuna iscasilo.

Xilka qaadis lagu sameeyo Wasiirka Amniga ayaa saameeyn ku yeelan karto Siyaasada Dalka iyadoona Mucaarad cusub ay u abuuri karta arintan Ra’isulwasaare Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo.

Hoos Ka Akhriso Warar Kale Oo Xiisa Leh

Kashifaad:-Xog Halis Badan Qatarna ku ah Amniga Dalka Oo Laga Ogaaday Dowladda Imaaraadka.

Fadeexad Ka Dhacday Madaxtooyada Iyo Waji Xuma Looso Hooyay Madaxweyne Farmaajo Kadib Markii Albaabka Madax..

Madaxweyne Farmaajo Oo Digniin Iyo Canaan Isugu Daray Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Kadib Markii…