Waa sidee xaaladda deegaanka Tooratoorow ee gobolka Shabeelaha Hoose?

0
4

Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Saakay xaaladda deegaanka Tooratoorow ee gobolkaasi ay dagan tahay, kadib markii Shalay ay dib uga soo baxeen Ciidamada millateriga Soomaaliya.

Ilo deegaanka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in jawiga uu yahay mid dagan, islamarkaana saakay wax dhaq dhaqaaq ah uusan ka jirin deegaankaasi.

Tooratoorow ayaa ah deegaan muhiim u ah Xarakada Al Shabaab oo Sanadihii la soo dhaafay ay ka talinayeen halkaasi.

Balse Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM howlgallo ka dhan Al Shabaab ka wada gobolkaasi Shabeelaha Hoose ee Koonfurta Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here