Fadeexad Ka Dhacday Madaxtooyada Iyo Waji Xuma Looso Hooyay Madaxweyne Farmaajo Kadib Markii Albaabka Madax..

0
2

Muqdisho ( Xaqiijiye Online ) Wararka laga helayo Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in fadeexad ay ka dhalatay fal uu ku kacay Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Mudane Fahad Yaasiin.

Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya ayaa tagay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya si ay kulan ula qaataan Madaxweyne Farmaajo oo ay kala hadli rabaan arimo Siyaasada quseeya.

Fahad Yaasin ayaa isku dayay in Wasiirada uu ka hor istaaga la kulanka Madaxweyne Farmaajo taa oo keentay in ay isku dhacaan isaga iyo Wasiirada.

Muran dheer kadib ayaa waxa ay arinta gaartay Madaxweyne Farmaajo isagoona ka carooday falka lagula kacay Wasiirada aan la dhoorin xasaanadooda.

Arintan ayaa buuq ka dhalisay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya iyadoona Madaxweyne Farmaajo uu arintan kala hadlay Fahad Yaasiin si uusan ugu laaban falkan oo kale.

Hoos Ka Akhriso Warar Kale Oo Xiisa Leh

Kashifaad:-Xog Halis Badan Qatarna ku ah Amniga Dalka Oo Laga Ogaaday Dowladda Imaaraadka.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here