Abaanduule caan ah Oo goostay, kuna biiray kooxda…

0
2306

Jamaal Baaxad oo ahaa Abaandulihii sadexaad ee Ciidanka milatariga Soomaaliland ayaa lagu soo warramayaa in uu goostay.

Sarkaalkan ayaa la sheegay in uu ku biiray koox la magac baxday dib u xoreynta S/land oo dhawaan laga aas aasay gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya

Abaandulaha goostay ayaa la sheegay in haatan uu ku sugan yahay qeybo ka mid ah gobolka Sanaag, isaga iyo Korneyl Caare oo horay uga goostay Soomaaliland, islamarkaana aas aasay Jabhadaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka S/land oo ku aadan arrinta sarkaalkaasi.

Balse muddooyinkii dambe ayaa waxaa jiray khilaaf soo kala dhex galay hoggaanka Ciidamada milatariga Soomaaliland ee ku sugan gobolka Sanaag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here