Akhriso:-Magacyada:-Saraakiil ka tirsanaa Al Shabaab Oo lagu dilay Sh/ Hoose, kadib…

0
386

Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa sacaadihii la soo dhaafay howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ka sameeyay gobolka Shabeelaha ee K/ Somaaliya.

Qaar ka mid ah saraakiisha Ciidanka xoogga dalka oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in agagaarka degmada Qryooley ay ku dileen saraakiil sar sare oo ka tirsanaa Al Shabaab, kadib howlgallo ay ka sameeyeen halkaasi.

Saraakiishan ayaa magacyada raggaasi ay dileen ku kala sheegay Macalin Xuseen oo la yaqaanay Sheekh Nuur, una qaabilsanaa Al Shabaab dhanka Amniyaadka iyo sidoo kale Farxaan Daahir Xiirane oo isna Al Shabaab u qaabilsanaa sirdoonka.

Farxaan ayaa la sheegay in uu horay uga soo dagaalamay gudaha dalka Syria, halka Sheekh Nuur la sheegay in uu hoggaamiye u ahaa koox dilal qorsheysan ka fulisa Muqdisho iyo Shabellaha Hoose.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Xarakada Al Shabaab oo ku aadan dilka saraakiishaasi.

Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa maalmihii la soo dhaafay howlgallo ka waday deegaano ku yaalla K/ Somalia.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here