Cabsi xoogan Oo ka taagan Balanbale iyo xaaladda…

0

Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta xiisad dagaal ay ka taagan tahay duleedka degmada Balanbale ee gobolkaasi.

Xiisadan oo u dhexeyso Beelo walaalo ah oo wada daga halkaasi ayaa la sheegay in ay salka ku heyso dilal la xariira aanooyiin Qabiil oo ka dhacay degmadaasi

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay ka cabsi qabaan dagaallo ka dhaca nawaaxiga degmada Balanbale ee G/ Gaduud.

Guddoomiyaha dgemadaasi Xuseen Liibaan Warsame ayaa sheegay in ay wadaan waan waan nabadeed oo looga hortago colaadaasi.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in Ciidamadu amnigu ay gacanta ku dhiheen nin dhawaan dil ka geystay degmadaasi Balanbale.

Xaaladda ayaa kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo u dhexeeya maleeshiyadaasi laga dareemaayo gobolka Galgaduud ee bartamaha Somalia.