Ku dhawaaad 10 Oromo ah Oo lagu dilay Jabuuti, kadib markii…

0

Ugu yaraan 6 Oromo ah ayaa la dilay, iyadoona la dhaawacay 100 kale, kadib markii Jabuutiyaan caraysan ay weerar ku qaadeen goobo ay ku noolaayeen dadkaasi.

Weerarkan oo ka dhacay meel u dhow magaalada Balbala ee dalkaasi ayaa waxaa sidoo kale la sheegay in lagu bililiqeystay Dukaamo dadkaasi Oromada ah ay ku lahaayeen halkaasi.

Dhacdadan ayaa ku soo aadeysa, xilli dhawaan 4 qof oo Jabuutiyaan ahaa lagu dilay magaalaada Diri-Dhabe ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Xiisada u dhexeysa Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida ayaa sii xoogaysaneysa, taas oo markii hore ka bilaabatay gudaha dalka Itoobiya.