Puntland Oo deegaan muhiim ah kala wareegtay S/land

0

Ciidamada maamulka Puntland ayaa maanta deegaan muhiim ah kala wareegay Ciidamada Soomaaliland, kadib dagaal ka dhacay gobolka Sool.

Dagaalkan ayaa yimid, ka gadaal markii Ciidamada Puntland ay weerar ku qaadeen deegaanka Kurmaraani ee ee gobolkaasi.

Waxaana la sheegay in dagaal culus labada dhinac uu dhexmaray, iyadoona Ciidamada Puntland ay u suura gashay in ay la wareegaan  Kurmaraani oo u dhow deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Xaaladda ayaa weli kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo qeybo ka mid ah gobolkaasi

Soomaaliland iyo Puntland ayaa isku heysta maamulida deegaano ka tirsan gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya.