XOG:- Dowladda Madaxweyne Farmaajo Oo Culeyskii ugu xoogganaa uu ka soo wajahay dhanka…

0

Muqdisho ( Xaqiijiye Online ) warar hoose oo uu halaya Xaqiijiye Online ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ee haatan uu majaraha u haya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo uu soo wajahaya culeys weyn oo kaga imanaya dhanka iyo Mucaaradka.

Culeyskan ayaa sii xoogeystay, kadib markii ay midoobeen xisbiya kala duwan oo mucaarad ah kuwaa oo ugu danbeyn magaalada Muqdisho ku casuumay Xasan Sheekh Maxmuud oo horay usoo noqday Madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo haatan ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa noqonaya hogaamiyaha guud ee xisbiyada Mucaaradka ah sida ay sheegeysa xogta uu haleya Xaqiijiye Online.

Mucaaradka oo haatan noqday quwad weyn ayaa doonaya in magaalada Muqdisho ay ku yeeshaan kulama kala duwan oo ay la yeelanayaan qeybaha kala duwan ee bulshada si ay uga gadaan afkaartooda, mucaarad horlehna ay ugu abuuraan dowladda haatan talada dalka heysa.