Al Shabaab Oo xukun ku riday 2 nin Oo lagu eedeeyay…

0

Xarakada Al Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay xukun ku riday laba nin oo ay ku eedeeyeen in ay Kufsi ka geysteen gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaaliya.

Al Shabaab ayaa sheegay in raggaasi 4 haween ah ay ku Kufsadeen deegaanka Buq-Aqable ee gobolkaasi.

Sidoo kale Al Shabaab ayaa tilmaamay in mid ka mid ah raggaasi uu dilay laba Haween ah, kaas oo lagu xukumay in uu bixiyo diyadooda iyo in lagu dhufto 100 jeedal ah, halka mid ka kalena isna lagu xukumay in lagu dhufto 100 jeedal.

Waxaana intaasi u sii dheer labadaasi nin xukun xabsi ah, iyadoona lagu kala xukumay 3 sano iyo 2 sano oo xariga ah.

Inta badan Al Shabaab ayaa xukuno u badan dilal ka fuliya deegaanada ay ka arrimayaan ee Soomaaliya.