Cabsi xoogan Oo ka taagan deegaano ka tirsan J/ Hoose

0
11

Xiisad xoogan oo u dhexeysa maleeshiyo hubeysan ayaa saakay ka taagan agagaarka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda ayaa laga dareemayaaa gobolkaasi, gaar ahaan deegaan qiyaastii 25 KM u jira magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubbaland.

Waxaana lagu soo warramayaa in xiisadaasi ay u dhexeyo Beelo walaalo ah oo wada daga halkaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in cabsi xoogan ay ka taagan deegaanka, kana baqdin qabaan in mar kale dagaal uu ka dhaca halkaasi.

Xiisadan ayaa ku soo aadeysa, xilli maleeshiyaadkaasi shalay ay ku dagaalameen nawaaxiga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here