ONLF Oo ku dhawaaqday xabad joojin rasmi ah, kadib isbedalkii…

0

Jabhadda hubeysan ee ONLF ee ka dagaalanta dalka Ethiopia ayaa maanta M/ Nairobi ee xarunta dalka Kenya kaga dhawaaqday xabad joojin rasmi ah oo maanta bilaabaneysa.

C/qaadir Xasan Hiirmooge Cadaani oo ku dhawaaqay go’aankaasi ayaa sheegay in ay xabad joojin galayaan, ayna qaadanayaan baaqyada nabadeed ee R/W Abiy Axmed.

War Qoraal ay soo saareen ayey ku sheegeen in xabbad joojinta oo dhaqan galaysa 12 ka duhurnimo ee 12ka Agoosto ay salka ku hayso “baaqa nabadeed ee hogaamiyaha Itoobiya Abiy Axmed, iyo talaabooyinka ay xukuumaddu qaadday ee ay aasaaska ugu dhigayso wadahadallo nabadeed”.

“Waxaan u aragnaa in xabbad joojintu ay dadkeenna maslaxad u tahay”, sidaa waxaa yiri C/qaadir Xasan Hirmooge (Caddaani), afhayeenka ONLF, oo BBC u warramayey isagoo jooga Nairobi.

Wuxuu sheegay inay diyaar u yihiin hadda kadib inay miiska wadahadalka ku raadiyaan dhamaan tabashooyinka ay qabeen, oo muddo badan ay ula dagaalamayeen dowladda Ethiopia.

“Waxaan diyaar u nahay in maadaama dadkayagu ay muddo dheer dulmi tirsanayaan, in miis dushii lagu xalliyo dhibaatooyinka aan tirsanayno oo aaya ka talin ka mid tahay oo nabad gelyo ka mid tahay, oo xuquuqo badan oo kale ka mid yihiin” ayuu sii raaciyey Caddaani.

Ethiopia weli kama aysan hadal go’aanka uu ku dhawaaqay afhayeenka ONLF.