War deg deg ah:-Askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda Oo la dilay iyo Ninkii dilay Oo la toogtay

0
15

Waxaa goor dhow Askari ka tirsanaa Ciidamada milatariga Somalia lagu dilay agagaarka Isgoyska Afarta Darjiin ee magaalada Muqdisho.

Laba nin oo ku hubeysan Bastoolado ayaa la sheegay in marxuumka ay dileen, xilli uu qaad ka iibsanay halkaasi.

Waxaana la sheegay in Ciidamo kale oo ka agdhawaa halka uu dilku ka dhacay ay toogteen mid ka mid ah Raggaasi, halka mid ka kalena ay gacanta ku dhigeen.

Weli ma jiro wax war ah oo ay saraakiisha Laamaha Ammaanka ee dowladda Somalia ka bixiyeen dhacdadaasi.

Muddoyinkii dambe ayaa waxaa sii xoogeysanayay dilalka qorsheysan ee ka dhaca gudaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo qaarkood loo geystay askar ka tirsanaa Ciidamada DFS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here