Xog Cusub Oo laga helaya Wacdarihii Maanta ay Muqdisho ka dhigeen Ciidamada Amaanka

0
552

Muqdisho ( Xaqiijiye Online ) waxaa xog cusub laga helaya falkaii ciidama amaanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ku toogteen nin hubeysnaa oo loo maleynaya in uu ka tirsanaa Al Shabaab kaa oo dil geystay.

Ninkan ayaa Suuq bacaad ee degmada Yaaqshiid ku dilay Askari katirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya wuxuuna intaa kadib isku dayay in uu isaga baxsada goobta uu dilka geystay balse ciidama amaanka ayaa ceyrsaday, iyagoona ugu danbeyn ay toogteen.
Ciidamada toogtay ninkan dilka fuliyay ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwa ku dheereeya toogashada heystan tababar fiican.

Dad goob joogaal ah ayaa sheegay in ciidamada si dhaqsi ah ay uga fal celiyeen dilka ninkan uu geystay taana ay keentay in ay toogtaan.

Ciidamada amaanka ayaa horay looga bartay in marku uu dhac fal dil ah ay ugu horeyn iyaga difaac galaan halkii laga rabay in si deg deg ah ay ugu falceliyaan sida manta dhacday oo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here