XOG:-Maxay tahay sababta uu Sacuudiga u soo celiyay Xoolaha Somalia?

0

Dowladda boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay Xoolo laga dhoofiyay Dekadda Boosaaso oo dhawaan laga soo celiyay dalkaasi.

Kadib war qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda deegaanka, Dhirta iyo Biyaha ee dalka Sacuudiga ayaa lagu sheegay in Xoolahaasi lagu sameeyay baaritaano, kadibna laga helay cuduka Rift Valler ee ku dhaca Xoolaha.

27,000 oo neef oo Ari ah ayaa la sheegay in la soo celiay Markabkii siday, kadib markii laga helay cududrkaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ku aadan arrintaasi.

Dhawaan ayey aheyd markii dib loo fasaxay in Xoolaha Soomaalida loo iibgeyn karo Sacuudiga, kadib heshiis dhexmaray labada dowladood.