Shabaab hubeysan oo gacanta lagu dhigay

0

Shabaab hubeysan oo gacanta lagu dhigay

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose, ciidamadda xoogga dalka ayaa gacanta ku dhigay dad badan oo ay ku tuhmayaan inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab.

Hawlgalkan oo si gaar ah uga dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ayaa ragga la qabtay qaarkood waxa ay yihiin kuwa hubeysan.

Hawlgalkan ayaa waxaa si wadajir ah u fliyay Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya, kuwa maamulka Hishabelle iyo ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.

Masuuliyiinta maamulka degmada Blacad ayaa waxa ay sheegeen raggan gacanta lagu dhigay in loo soo qaaday magaalada Muqdisho, si baaritaano loogu sameeyo, sharcigana loo horgeeyo.

Shabaab ayaa bilihii la soo dhaafay waxa ay weeraro khasaare dhaliyay ka geysteen wadada xiriirisa magaalooyinka Jowhar iyo Balcad, halkaasi oo ay ku dileen masuuliyiin Hirshabeelle iyo saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda.