Dowladda Soomaaliya oo xirtay Waddooyinka Muqdisho

0

 Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa saaka xiray qaar ka mid ah waddooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho.

Dadka shacabka ayaa intooda badan maalaya cagahooda, si ay u fushadaan danahooda gaarka ah.

Isgoysyada xiran waxaa ka mid ah Ex Koontarool Afgooye, Banaadir, Zoobe, KM4 iyo kuwa kale oo muhiim u ah dadweynaha magaalada Muqdisho.

Laamaha ammaanka ayaa sheegay in arrintani ay qeyb ka tahay qorshaha cusub ee lagu xaqiijiyano amniga gobolka Banaadir

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa hakad ku jiray dhaq dhaqaaqa waddooyin dhowr ah, kuwaas oo ay saameeyeen howlgallada ay wado dowladda Soomaaliya.