Maamulka Baladweyne oo ka hadlay Xaaladda Magaaladaasi

0

Guddoomiyaha Degmada Baladweyne, Maxamed Axmed Foodcadde, ayaa faah-faahin buuxda ka bixiyay xaaladda guud ee Magaalada iyo Biyo yaraan halkaasi ka taagan.

Mudane; Foodcadde, ayaa sheegay in Baladweyne iyo Tuulooyinka ku xeeran ay ka jirto Biyo yaraan baahsan , wuxuuna Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamulka Hirshabeelle iyo hay’adaha samafalka ugu baaqay in Gacan ka geystaan sidii loo caawin lahaa Dadka tabaalaysan.

Guddoomiyaha oo ka hadlayay dhanka ammaanka ayaa sheegay in xaaladda nabad gelyo ee B/weyne ay haatan tahay mid wanaagsan, ka dib howl-gallo ammaanka lagu sugayo oo ay Ciidamadu sameeyeen.

Dhanka kale, mudane; Food cadde ayaa sheegay in Shacabka iyo Maamulka Degmada B/weyne ay baadi goob ugu jiraan Nin Magaalada dhexdeeda ku Gowracay Wiil Shan jir ah.