Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho

0

Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxa khasaaro geystay oo maanta ka dhacay degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa Miino ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha, gaar ahaan goob fariisin u ah  Ciidamada dowladda.

Ugu yaraan illaa afar qof oo uu mid ka mid ah yahay Askari ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, sida ay xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho ku soo badanayay qaraxyada Miinada, kuwaas oo ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah.