Soomaaliya oo shir muhiim ah uga qeyb galeysa Ruushka

0

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb gasho shirka 5aad ee Dowladaha Carbeed iyo Ruushka kaas oo todobaadka soo socda ka furmaya Magalada Moscow  oo ah Caasimadda Wadanka Ruushka.

Shirkaas ayaa la filayaa in ay ka qeyb galaan wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, kuwaas oo todobaadka soo socda u ambabixii doona Magalada Moscow ee dalka Ruushka.

Shirka ayaa la filayaa in 16 Bishaan oo ku beegan Talaadada soo socota ee todobaadka dambe uu sirasmi ah u furo Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin,waxana shirka diirada lagu saari doonaa sida ay u wada shaqeyn karaan dowladaha Carbeed iyo Dowladda Ruushka.

Soomaaliya ayaa shirkaasi waxa uu u noqonayaa shirkii labaad oo ay ka qeyb galaan,waxaana kan kii ka horeeyey uu  ka dhacay Sanadkii 2017-dii wadanka isutaga Imaaraadka Carabta.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo xubnaha wafdiga ah ee la socda ayaa sidoo kale waxa ay kulamo la qaadan doonaan inta ay ku sugan yihiin wadanka Ruushka wufuuda kala duwan ee Carbeed iyo kuwa Ruushka, iyaga oo kala hadli doona Arrimaha Soomaaliya.