Dad ku dhintay Qarax ay ku diyaarinayeen Guri ku yaala Muqdisho.

0

Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhintay tiro kalane way ku dhaawacmayn kadib qarax ka dhacay Guri ku yaala degmada Dayniile ee gobalka Banaadir, gaar ahaan Xaafadda Oodweyne sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiil amaan iyo dadka deegaanka.

Qaraxa oo aan ilaa hada Nuuciisa la sheegin ayaa ka dhax dhacay Guri ka sameysan Jiingad waxa uuna saameeyay ilaa saddax guri oo kale waxaana dadka ku dhintay mid ka mid ah ay aheyd Haweeney oo ka agdhaweyd halka uu qaraxa ka dhacay.

Ragga ku dhintay qaraxa ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwii diyaarinayay, Muqdisho ayaa xaalad deganaansho ah ku naalooneysa ugu yaraan 50-kii cesho ee la soo dhaafay, waana talaabo wanaagsan oo dhinaca amniga ah, tani waxay muujineysa in hoos u dhacay qaraxyadii cuslaa ee Muqdisho markii loo eego xaaladii hore.