Kooxo Hubeysan Oo Xalay Dilal Ka Geystay Magaalada Muqdisho

0

kooxa biskoolada ku hubeysan ayaa habeenimadii xalay Dilay illaa iyo 3 ruux oo ay ku jiraan Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Dilka Sedaxdan Ruux ayaa ka dhacay Nawaaxiga Jaamacaddii Gaheyr ee ee Magaalada Muqdisho iyadoona goobta ay isaga baxsadeen kooxihii dilka geeystay.

Mid ka mid ah shaqsiyaadka Dilka loo gooysstay ayaa la sheegay in la toogtay, xilli uu ka soo baxay Misaajid ku yaalla agagaarka Jaamacadii hore ee Gaheyr.

Ciidamada katirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa saakay howlgalo ka bilaabaya Xaafadaha ku teedsan Jaamacadii Gaheyr.