Sawirro:-Kawaanka Malaayga ee degmada Xamar weyne oo xariga laga jaray

0

Munaasabadda Xarig jarka Kawaanka malaayga ee Xamar weyne ayaa waxaa ka qeyb galay, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Kaluumeysiga Soomaaliya, Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Maxamed Tuulax, Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshadda Gobolka Banaadir Basma Caamir Jakeeti , Guddoomiyaha Degmada Xamar weyne Cumar Shariif jeeg Kawaankan oo in mudo ah Burbursanaa dhibaata badna ay ku qabeyn dadka ku ganacsadaya ayaa waxaa iska kaashaday dib u dhiskeeda Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’ada NRC kuwaas oo dhismayaal ku cusub ku soo kordhiyay kawaanka Malaayga Xamar-weyne.

Guddoomiyaha Degmada Xamar weyne Mudane Cumar Shariif ayaa ka sheegay Munaasabadda in Maamulka iyo Bulshada Degmada Xamar weyne ay aad Muhiim ugu aheyd Dib dhiska lagu sameeyay Kawaanka malaayga Xamar weyne, waxaana uu sheegay in cidkasta oo gacan ka geysatay ay oga Mahadcelinayaan.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir oo ugu danbeyn ka hadlay Munaasabadda ayaa sheegay in Maamulka Gobolka ka go’an tahay hormarinta Adeegyadda Kaluumeysiga Soomaaliya gaar ahaan Caasimadda, waxaana uu intaasi ku daray in Dadka ka shaqeeyna kaluumisiga Caasimadda uu maaulka gacan wanaagsan ka sii doono Casriyeenta iyo dib u nooleyta Shaqadooda.

Kawaaka Malaayga ee Demadda Xamar weyne ayaa ka mid ah kawaanadda ugu waqtiga dheer dalka, waxaana Bulshada Degmadda ay sheegeen in Maamulka iyo Ha’adda dhistay aad oga Mahacelinayaan.