Walaasheey guur waad u qalantaa haddii lagaa helo shuruudahaan

0

Akhristayaasha sharrafta leh ee ku xiran Xaqiijiye.com waxaa lee nahay waqtiWanaagsan meel kasta oo aad ku sugan tihiin.

Walaashey waad guursan kartaa haddii laga helo shuruudahaan, Maxay yihiin?

1- WAAD U QALANTAA GUUR.

Kol Haddaad Aqbaleyso wax walba oo ay Diinta Islaamka ku Fartay, Wixii ay kaa Reebtayna aad ka hareyso.

2- WAAD U QALANTAA GUUR.
Kol Haddaad Farxad Gelineyso Zowjkaaga, Amarkiisana aad u Hoggaansameysid.

3- WAAD U QALANTAA GUUR.
Kol Haddaad ku Dadaaleyso Barashada Diinta si aad Ubadkaaga u Bartid Dariiqa Xaqa ah ee uu Rabbi Raaliga ka yahay.

4- WAAD U QALANTAA GUUR.
Kol Haddaad ku Filnaan kartid Raali gelinta Zowjkaaga, Nolosha Gurigaada iyo Tarbiyada Ubadkaaga.

5- WAAD U QALANTAA GUUR.
Kol Haddaad Gurigaada ka baxeynin Amar la’aanta Zowjkaaga.

6- WAAD U QALANTAA GUUR.
Kol Haddaad Xaq dhowri taqaanid Deriskaga iyo Martidaada.

7- WAAD U QALANTAA GUUR.
Kol Haddaad Xushmeyn taqaanid Zowjkaaga iyo Ehelkiisaba.

(Ha Waaro jaceylka, hana Guuleysto. Aamiin).

W/Q:- Macoow Ustaad.