Maxkamadda CQS oo bilaawday dhageysiga dacwadda dilkii Saciid Mariino

0

Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida ayaa maanta si rasmi ah u bilowday dhageysiga Dacwadda G/sare C/naasir Xoosh oo loo heysto dilka taliye ku xigeenkii hore ee Ciidanka Badda Saciid Aadan Yuusuf Mariino.

Waxaana xarunta maxkamadda  ku sugan Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo dhageysanaya Dacwadda Kiiskaasi.

Dilkan oo 18-kii bishii hore ka dhacay gudaha Dekedda weyn ee Muqdisaho ayaa waxa lagu soo beegay dhageysiga Daawaddiisa maalinta Ciidanka Badda ee 10 February oo maanta ku beegan.

Waxaana  tan iyo mnarkaas Maxkamaddu ay waday baaritaano ku aadan, sida uu dhacay dilkaasi oo uu ka dambeeyay G/sare C/naasir Xoosh oo ka tirsan Ciidanka Badda.

Dowladda Soomaaliya oo horay  si kulul  uga hadashay ayaa waxa ay sheegtay in sharciga lala tiigsan doono shaqsigii ka dambeeyay dilkaasi.