Haweeney Uu qabay Nin Al Shabaab ah Oo lagu dhex dilay Gurigeeda

0

Haweeney Uu qabay Nin Al Shabaab ah Oo lagu dhex dilay Gurigeeda

Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa ku warramaya in saacadihii la soo dhaafay Haweeney ka mid aheyd dadka deegaanka lagu dilay M/ Baydhabo ee xarunta gobolkaasi.

Marxuumadda oo lagu magacaabi jiray Caatika Ibraahim ayaa la sheegay in lagu dhex dilay Gurigeeda oo ku yaalla xaafadda Ceelka Cabdi Shire ee magaaladaasi.

Warar hoose oo ay heleyso Shabakadda Xaqiijiye.com ayaa sheegaya in uu jiray khilaaf  xoogan oo Haweeneydani kala dhexeeyay Sayigeeda oo ka tirsan Al Shabaab.

Ciidamada Booliska K/ Galbeed oo gaaray Guriga uu dilku ka dhacay ayaa haatan baaritaano ka wada dhinaca bari magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Illaa iyo hadda ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay masuuliyadda dilkan oo cabsi weyn ku beeray dadka deegaanka.

Ammaanka Baydhabo ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid dagan, taas oo la filayo in bisha soo socota ay ka dhacdo doorashada Hoggaanka maamulka K/ Galbeed Soomaaliya.